Saturday, June 28, 2025

Faahfaahin: Weriyeyaal maanta lagu jirdilay Xarun Degmo oo ka tiran Gobolka Banaadir..

Weriyeyaal ka tirsan Warbaahinta Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu jirdilay xarunta degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Weriye Safiyo Cismaan Cabdulle oo ka tirsan TV-ga iyo Idaacadda Shabelle ayaa la sheegay inuu gacan qaaday guddoomiye Waaxeed ka tirsan maamulka degmada Waaberi, iyadoo uu dhaawac gaarsiiyey, markii uu dhagax la dhacay, kadibna waxaa la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada, sida ay sheegtay idaacadda Shabelle.

Dhinaca kale waxaa isna jir-dil loo geystay kaamiro-man Gacal oo ka tirsan Telefishinka Shabelle, waxaana laga qaatay qalabkii uu watay.

Labadan wariye ayaa u tegay degmada Waaberi inay kasoo warramaan bannaanbax ka socday degmada oo ay dhigayeen haweenka nadaafadda ka shaqeeya oo ku eedeeyey maamulka degmadaas inuu musuq-maasuqay raashin mucaawino ah oo iyaga loogu talagalay.

Jirdilka ayaa la sheegay inay saxafiyiinta Shabeelle kula kaceen mas’uliyiin ka tirsan, waxaana la sheegay in weriye Safiya Cismaan uu dhaawac u geystay Guddoomiye lagu magacaabo Shabeelow, waxaa kaloo dharbaaxo ku dhuftay Maxamed Axmed Rooble oo ah Guddomiyaha Waaxda Oktober.

Kaamiro-manka Shabeelle waxaa ku qamaamay guddoomiye Waaxeed-ka Laanta Jabuti iyo Guddoomiyaha laanta 26 June.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON