Faahfaahin dheeraad aha ayaa kasoo baxeysa wiil dhalinyarro ah oo xalay lagu dilay suuqa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Koox bistoolado ku hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay Wiilkan Dhalinayara ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed, isagoo xilligaasi ku sugnaa agagaarka Busteejadda baabuurta ee Suuqa Kaaraan, Gobolka Banaadir, waxaana goobta ka baxsaday raggii dableyda ahaa dilkiisa ka dambeeyay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in wiilka la dilay uu lahaa goob timaha lagu jaro, isagoo si weyn looga yaqaanay xaafadaasi, islamarkaana uu ka mid ahaa dhalinyaradda Firfircoon ee maamulka degmada Kaaraan. Ciidamada oo goobta tegay Goobta ayaa sameeyay baaritaan aan cidna lagu soo qaban.