Wednesday, July 9, 2025

Faahfaahin: Wiilal dhalinyarro ah oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay wiilal dhaliyaro ah oo maaanta lagu toogasho lagu dilay xaafadda Laba-dhagax, degmada Wardhiigley, ee magaalada Muqdisho.

Dabley ku hubeysan Bistoolado ayaa weerartay labada wiil oo ah dhalinyaro, waxayna ku fureen rasaas keentay inay u geeriyoodaan dhaawacyadii soo gaaray, iyadoo magacyadooda lagu kala sheegay: Ismaaciil Cabdulqaadir Jimcaale iyo Sakariye Cabdinuur Aadan.

Falka dilka ah kadib waxaa goobta ka baxsaday dableydii dilka fulisay, iyadoo ay gareen ciidamada Amniga, laakiin lagna guuleysan in lasoo qabto kuwii dilkaasi geystay.

Lama oga sababta loo beegsaday wiilshan dhalinyaradda ah, iyadoo Muqdisho ay ku soo bateen muddooyinkan danbe dilalka dhalinyarada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON