Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari nooca raaxada ah uu ku qarxay duleedka Muqdisho.
Gaarigan ayaa la sheegay inuu ahaa nooca Toyota Harrier, wuxuuna qaraxa ku qabsaday hallka lagu magacaabo Mire Iindha-yare, agagaarka Ceelasha Biyaha, waxaana ku dhintay laba qof oo mid uu yahay darawalkii gaariga iyo qof shacab ah oo wadadda ku sugnaa, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoo baaritaan ka wada halkaasi, lama sheegin nooca qaraxa inuu ahaa is-miidaamiye iyo qof loogu xiray Qarax, wuxuuna qaraxan noqonayaa kii ugu horeeyay Muqdisho iyo agagaarkeeda ka dhaca kadib qaraxii weynaa ee Muqdisho.
Goobjooge