Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar aydabley Hubeysan xalay ku qaadeen Xaruunta Wasaarada Gaashaandhiga EMagaalada Muqdisho.
Fiidnimadii xalay ayaa koox hubeysan oo wadatay gaari waxay weerar la beegsadeen Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo laga maqlay rasaas xoog leh oo isweydaarsadeen ilaalada wasaaaradda iyo dableydii weerarka soo qaaday.
Gudoomiyaha Degmada Deyniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa xaqiijiyay weerareen, isagoo sheegay in Lix dabley ah ay ku soo weerareen xerada Qoryaha garbaha laga rido iyo hubka culus.
Weerarka ayaan la soo werin qasaare soo gaaray ciidamada dowladda, waxaana markii dambe goobta ka baxsaday dableydii weerarkii soo qaaday.