Sunday, July 13, 2025

Faahfahin: Taliyihii Saldhigga magaalada Beledweyne oo la dilay iyo Ciidamada Haramcad oo…

Iska hor imaad ka dhacay Saldhigga Booliska magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa goor dhoweyd lagu dilay taliyihii saldhigaasi.

Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Baladweyne Laba Xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duur-jooge) ayaa ku dhintay iska hor imaadka oo dhex maray Ciidamada Booliska magaalada Beledweyne iyo ciidamada Harmacad ee madaxda dowladda Federaalka ay halkaasi geeyeen.

Taliyaha ayaa lagu dilay israsaaseyn gudaha saldhiga ka dhacday xilli ay saldhiga ka buuxeen boqolaal dad oo lagu soo qabqabtay howlgal saaka ay ciidamadu ka sameeyayeen xaafadaha magaalada.

Ciidamada Haramcad aya lagu eedeeyay inay gudaha Saldhiga Booliska Baledweyne ku dhex dileen taliyaha, kadib iska hor imaad dhex maray labada ciidan.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana hadda ku dhex jira saraakiisha ciiiamada dowladda iyo kuwa Hirshabeelle si arrinta loo qaboojiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON