Monday, July 14, 2025

FAAQIDAAD: Maxaa Madaxda Sare ee dalka ku qasbay inay Xalane ugu tagaan Saraakiisha Mareykanka..?

Mareykanku waa ka duwan yahay dalalka kale marka ay timaado Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho, waxaan saraakiisha iyo madaxda dalkaasi ee taga Soomaaliya ka mamnuuc ah inay gudaha u galaan magaalada Muqdisho.

Wufuudda ka timaada dalka Mareykanka ee soo booqata dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho darajo kasta oo ay leeyihiin, saraakiil heer hoose, danjireyaal iyo saraakiil sare oo heer wasiiro ahba waxay u yaalla amar ah inaysan soo dhaafin Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo xeyndaabkiisa Xalane.

Waxaa nasiib darro noqotay inay muddo ku dhow 10 sano ay Mareykanka Muqdisho ugu jirto goobaha halista ah ee ay ka reeban tahay inay ka gudbaan Garoonka Muqdisho, waxaase jirta in dalalka Yurub ay bedeleen go’aanadii Amni iyadoo sarakiishooda ay magaalada tagaan, madaxda dowladana ku qaabilaan madaxtooyada.

Arrintan waxay salka ku heysa qiimeynta xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ay ku sameeyeen Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka iyo CIA-da dalkaasi oo u diideysa mas’uul Mareykan ah inuu dhaafo garoonka Muqdisho, laakiin madaxda Soomaalidu ma ku qasban yihiin heer kastoo ay yhiin inay  hogagaansamaan bahdilka dalkooda lagula sameynayo .

Mareykanka wuxuu weli u dhaqmayaa sidii hore, mana jiro isbedel uu ku sameeyay g’aankiisa amni, tasoo eentay in madaxda Soomaalida loogu yeero Garoonka Muqidsho iyo Xalane si ay ula kulmaan wafdiyada Mareykanka.

marymax
Madaxweyne Xasan Sheekh & Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo Garoonka kula kulmaya Tina Kaidanow -haweendy argagixisadau qaabilsan Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka-

Dhacdo yaab lahayd waxay ahayd kulankii bishii June 2015 ku dhex maray garoonka diyaaradaha Muqdisho Danjire-guud iyo xiriiriyaha  argagixiso la-dirirka ee wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka Tina Kaidanow iyo madaxda dowladda Soomaaliya. Madaxda kulankan u tagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa kamid ahaa; Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Wasiirka Arrimaha Dibada C/salaan Hadliye Cumar iyo Mas’uuliyiin kale oo fara badan.

DAAWO SAWIRRADA KULANKAAS

Doorashadii Madaxweyne Farmaajo maxaa isbedelay..?

Kadib doorashadii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaan waxba ka bedelin qodob siyaasiyiin badan ay ku sheegeen inay sharaf dhac ku tahay madaxda Qaranka ee ahaa inay Garoonka iyo Xalane ugu tagaan saraakiisha Mareykanka.

Farmaajo ayaa 10 maalmood kadib markii la doortay wuxuu garoonka diyaaradaha Muqdisho u tegay si uu ula kulmo safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephan Schwartz, halkii ay ahayd in safiirka uu madaxweynaha ku booqdo xaruntiisa Villa Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kasoo safray xarunta madaxtooyadiisa ee Villa Somalia, waxaana uu iska xaadiriyay qolka VIP-da ee Garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo safiirka Mareykanka uu kula ballansanaa. (AKHRI WARKA KULANKA)

Waxaa la xusuustaa in Musharixiin badan ayaa ololihii Doorashaad Madaxweynaha ku galeen inay joojin doonaan in madaxda sare ee Qaranka loogu yeerto garoonka diyaaradaha, waxayna sheegeen inay arrintan ceeb ku tahay madaxda Soomaalida.

Madaxweyne Farmaajo oo Garoonka Muqdisho kula kulmay Safiirki USA Stephan Schwartz.

Diblomaasiyiinta reer Galbeedka ayaa Muqdisho ku arka goob aan amni ahayn, waxaana dalalkooda ay ka heystaan amar ah inaysan dhaafin xeyndaabka garoonka diyaaradaha, taasoo ahayd siyaasad soo taagneyd ilaa sanadkii 2009, balse waxaa arrintaasi bedelay dalal ay UK ka mid tahay oo wasiirkeeda arrimaha dibadda uu madaxtooda kula kulmay Farmaajo. [Akhriso]

Shalay ayay ahayd markii uu Madaxweyne Farmaajo tegay xarun safaarad loo ekeysiyey oo Xalane a sameysatay safaaradda Mareykanka, isagoo halkaasi waraaqihii aqoonsiga uga guddoomay safiirka cusub ee Mareykanka Donald Yamamoto, arrintan oo mar kale si cad u muujisay in madaxda sare u nugul yihiin Mareykanka. [Akhri Warkan]

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit

Dad badan ayaa ka rajo dhigay  isbedel weyn oo madaxweyne Farmaajo ku keeni karo arrintan sida arrimo badan oo uu hore u balanqaaday, kuwasoo olole doorasho ku ekaaday. Waxaase la yaab lahayd in  madaxda Soomaalidu ku dhiiran karin inay ugu yaraan iska diidaan sharaf dhaca lagu sameynayo.

Waxaa xusid muran in Mareykanka ay ciidamo gaaraya 500 ka joogaan Soomaaliya, isla markaana aanu safaarad rasmi ah ku lahayn Muqdisho, balse safiirka ku shaqeeyo magaalada Nairobi.

Warbixinta Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON