Friday, July 11, 2025

FAAQIDAAD: Sidee Alshabaab ku gaareen Hotel-ka SYL? [Qorshaha cusub ee la adeegsaday & fashilka Sirdoon ee NISA]

Weerarka Alshabaab ku qaadeen xalay Hotelka SYL ee u dhow Madaxtooyada Soomaaliya wuxuu gebi ahaan ka duwanaa weerarradii noociisa ahaa ee looga bartay inay ku qaadaan hoteelada Muqdisho, waxaana marka la qiimeeyo kasoo baxeysa guul dhinaca amniga ah iyo fashil wad socda.

Su’aasha ugu weyn ee weerarkan ka dhalatay weerarkan waxay tahay: Sida ay ku suuragashay inay maleeshiyada Alshabaab ku gaaraan Hotelka SYL oo ku yaalla aag si weyn loo ilaaliyo oo ciidamada Madaxtooyada ku hareereysan yihin..?, waxayna jawaabta hadba loo helo su’aashani ay fure u noqon doontaa in laga hortago weerraro noocan oo kale ah oo mustaqbalka dhaca.

FASHILKA SIRDOONKA

Dad badan ayaa shaki ka muujinaya suuragalnimada in ciidamo aan la aqoon loo fasaxo wadaddaasi ayna gaaraan afaafka laga halo madaxtooyada iyo Hotelka SYL, kadibna ay fuliyaan weerar heerkan gaaraya iyagoo ku hubeysan hub fudud iyo bambooyin, waxayna soo jeedinayaan tuhun ah inuu jiro la shaqeyn iyo fududeyn, haddiise eeddaas meel la iska dhigo xitaa waxaa cad in ugu yaraan uu jiro dayac weyn oo halistan keenay.

Macno badan ma sameynayo inay maleeshiyada Derbiga Hotelka ka boodeen iyo inay iridka ka galeen, waxayse muhiimadu tahay qaabka uu ku dhacay fashilka amni ee keenay inay gaaraan Hotelka sida weyn loo ilaaliyo ee ay isku halleeyaan mas’uuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta.

Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka ee NISA oo miisaaniyadeedu ka badan tahay inta badan wasaaradaha dalka waxay mar kale ku fashilantay inay la socoto ama ka war heyso dhaqdhaqaaqa Alshabaab iyo qorshaheyaashooda cusub, kana hortagto inta aysan dhicin, iyadoo uu jiray waqti ku filan oo la filan karay weerarkan oo kale.

GUULAHA AMNIGA LAGA GAARAY

Ciidamada Booliska waxay ku guuleysteen inay si weyn u yareeyeen qaraxyadii Alshabaab ka geysan jritay magaalada Muqdisho, iyadoo guul muuqata laga gaaray ka hortagga iyo ka daba tagga falalka khaarijinta dadka oo muddooyinkii danbe la qabtay ama la dilay maleeshiyo badan oo Alshabaab u qaabilsaneyd madax-jebinta.

Weerarkii xalay Alshabaab ku qaadeen Hotelka SYL, wuxuu caddeyn u yahay guusha Amniga ee ciidamada Booliska, iyagoo awoodi waayey inay gawaari is-miidaamin ah adeegsadaan ama qaraxyo waaweyn oo qasaare badan dhaliya soo abaabulaan.

Guushaas amni waxay dhinaca kale u dhutineysaa Sirdoon xoog leh oo fashilin kata weerarkii Xalay lagu qaaday SYL oo kale, waana marqaati cad oo muujinaya in NISA aysan gaarin heerkii looga fadhiyey, iyadoo la ogaan doono inay cashar ka baratay fashiladeedii hore.

Faaqidaadda Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON