Friday, August 7, 2020
More

    Xildhibaan Fiqi: “Qaraxyadii waxaa guryahooda loogu geeyay Madaxda Villa Somalia oo inay xilka sii joogaan ku mashquulsan”

    Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inaysan jirin dayacaad mas’uuliyad oo ka weyn in Alsahbaab ay gaaraan Hotel SYL oo ku jira 1 KM oo dowladda isugu geysay Ciid iyo Ciidamo.

    “Dhul baaxaddiisu ay ka yar tahey 1km oo ciid iyo ciidan intii ugu badneyd lagu gadaamay In Alshabaab soo gaaraan, soo galaan, qabsadaan isla markaana saacado badan ka dhex dagaalamaan ayagoo halkaas ka gaystey falal; argagaxin, dhaawac, dhimasho iyo burburin hantiyeed, ma jirto dayacaad mas’uuliyadeed oo ka weynaan karta dhacdadaas..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo ka mida xildhibaannada mucaaradka ku ah madaxda dowladda Soomaaliya.

    Ad

    Xildhibaan Fiqi ayaa is weydiiyey in haddii Amnigii hal kilometer la sugi waayey sidee dal dhan amnigiisa loo sugayaa..?, wuxuuna madaxda dowladda Soomaliya ku eedeeyay inay ku mashquulsan yihiin sidii ay xilka usii joogi lahaayeen.

    “Madaxda Villa Somalia oo ku mashquulsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafay sidii ay kursiga u sii joogi lahaayeen oo kaliya, waxey keentay In argagixisadu ay qaraxyadii iyo weeraradii ugu keenaan guryahooda, halkii laga rabey In argagixisada la dabarjaro” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    144,490FansLike
    1,846FollowersFollow
    5,563FollowersFollow
    144,490FansLike
    1,846FollowersFollow
    5,563FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!