Tuesday, June 24, 2025

FAAQIDAAD: Xaaladdaha ku wareegsan kulanka Baarlamaanka ee Berri & Cabsi laga qabo faragelinta Beesha Caalamka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa abaabulka ay wadaan labada garab ee xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya u kala qeybsan yihiin saacado uun ka hor kulanka la isku heysto cidda guddoomin doonta ee la mudeeyay inuu ka dhaco xarunta Baarlamaanka.

Garabka Guddoomiye Jawaari ayaa ansixiyey mooshinka kulanka oo ay sheegeen inuu noqon doono ‘DERBIGA KENYA KA DHISEYO XUDUUDKA IYO XAALADDA  BELEDXAAWO’ halka garabka kale ee Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey ay shaaciyeen in Ajenduhu yahay mooshinka Jawaari.

Ma jirto cid ku dhex jirta labada dhinac, kadib markii Aqalka Sare iyo Guddigii uu u xilsaaray xalinta khilaafka ay ku fashilmeen dadaalkoodii oo ka socon waayey dhinaca guddoomiye ku xigeenka iyo xildhibaannada xukuumadda taageersan.

Xildhibaannada taageersan Guddoomiya Jawaari oo hore u sheegay in kulanka laga wareejiyo xarunta Baarlamaanka oo ciidamo xukuumadda dhigtay ay ku sugan yihiin ayaa mar danbe ogolaaday inay ku shiraan halkaasi si aysan fursad u siinin garabka kale, waxaan la xaqiijiyay in labada dhinacba ay isku diyaariyeen fowdo iyo iska caabin.

Guddoonka waxaa isku heysta guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa koowaad, waxaana la kala safan xildhibaannada Baarlamaanka oo xiisadda ka taagan ay cirka mareyso, waxa kaliya ee la sugayo ayaana ah buuq, fowdo iyo in gacanta la isula tago mar haddii lagu heshiin waayay Dastuurka iyo xeer hoosaadka oo dhinac waliba sidii uu doono u fasirtay.

Waxa kaliya ee la filan karo ayaa ah xil ka qaadis guddoomiye oo sharci darro ku dhaca in lagu dhawaaqo iyo xukuumadda la rido oo dhinaca kale ku dhawaaqo, taasoo ugu danbeynta micnaheedu yahay inay is xalin waayeen Soomaalida oo loo baahdo dhexdhexaadin shisheeye iyo beesha caalaamka ama Kampala Accord kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON