Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya iyo siyaasiga kasoo jeeda W/Bari Kenya Faarax Macallin ayaa shaaciyay in dowladda Kenya ay bil kasa dhaqaale siiso maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.
Faarax Macalin oo ka mida taagerayaasha dowladda Farmaajo oo si weyn uga horjeeda maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo madaxdooda ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraal uu ku sheegay in dowladda Kenya ay bil kasta siiso Maamulka Jubbaland ay bixiso mushaarka ciidamada maamulka Jubbaland, iyadoo siisa lacag dhan Hal Milyan iyo Bar doolar.
Wuxuu is weydiiyay siyaasiga Faarax Macalin in Jubaland ay leedahay 7,000 oo Askari, sidoo kalena ay halkaasi joogaan 4,000 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, 5,500 ciidan oo Kenyaan ah, 3,000 Itoobiyaan ah iyo 1,000 Askari oo Burundi ka socda, sidaasoo ay tahayna ay ka adkaan waayeen Alshabaab oo tiradooda dhan tahay 1,500 maleeshiyo, kana saari la’ yihiin degaanada Jubbooyinka.