Siyaasiga reer Kenya ee caanka ah Faarax Macalin ayaa si weyn u weerarray laba madaxweynayaasha maamullada Soomaalida oo dalka Imaaraadka u tegay, xiriir dhowna la leh.
Faarax Macalin oo malmahan Muqdisho ku sugnaa, kana mida taageerayasha Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa madaxweyne Puntland C/weli Gaas iyo madaxweynaha Jubbaland ku tilmaamay dembiilayaal galay Qiyaano Qaran.
“Laba khiyaanada ku kacay ee madaxweyne goboleedyada booqday Imaaraadka waa in {dowladda} Muqdisho tallaabo ka qaadaa… Gaas iyo Madoobe waa in Maxkamad lasoo taagaa oo xabsi la dhigaa… falalkooda waxay dhaawacayaan qaranimada Soomaaliya, waxayna galeen khiyaano qaran, Farmaajo iyo Kheyre waa inay tallaabo qaadaan..” ayuu yiri Faarax Macalin oo farriin kulul soo dhigay baraha bulshada.
Faarax Macalin oo si weyn u dhaliila mucaaradka dowaldda Soomaaliya ee xilligan iyo Itoobiya ayaa taageere weyn u ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo soo jeediyay in Imaaraadka laga saaro Soomaaliya.