Siyaasiga Soomaalida reer Kenya Faarax Macalin Dawaare oo hore u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalkaasi ayaa kashifay ujeedadda socdalka Madaxweynaha Soomalaiya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku joogo dalka Eritrea.
Faarax Macalin oo ka mida taageerayaasha waaweyn ee madaxweyne Farmaajo, laan sheegay inuu la-taliye u yahay ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulaahda ku sheegay in ciidamo aad u tababarran oo ka mida Milateriga Soomaaliya lagu tababrray dalka Eritrea, ayna dhammeysteen tababarkaasi.
“Eriteriyaanka waxay garab taagan yihiin walaalahood Somaaliyeed. Ciidamo si weyn loo tababaray oo ka mida ciidamada Soomaaliya ayaa tababar kusoo dhammeysta Eritrea” ayuu yiri siyaasiga Faarax Macalin oo hore u taageeray Maxkamadihii islaamiga ee Soomaaliya.
Qaar ka mida dadka ka jawaab celiyey qoraalka Faarax Macalin ayaa xusuusiyey in Eritrea ay hore u taageertay Alshabaab oo dagaal kula jiray dowladii Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
Ciidamada dowladda Somalia u dirtay daka Eritrea ayaa ahaa qarsoodi, iyadoo eheldooda qaarkood aysan ka war qabin, waxaana hore walaac uga muujiyey xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Farmajo ku eedeeyay inuu sameysanayo ciidamo gaara oo ka baxsan kuwa dowladda.