Monday, July 14, 2025

Faarax Macalin oo Madaxweyne Farmaajo & Kheyre ugu baaqay inay Somalia ka eryaan Imaaraadka Carabta

Siyaasiga dalka Kenya, horena u soo noqday guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalkaasi Faarax Macalin Dawaare ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha ugu baaqay inay xiriirka u jaraana dalka Imaaraadka Carabta.

Farriin kulul oo uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Faarax Macalin ku yiri: “Farmaajo iyo Kheyrow ka saaraImaaraadka jooga Mogadishu, Alle dartiis u xira safaaradooda iyo xarumaha tababarka ay ku bixiyaan ee magaalada Muqdisho. Haddii aad heysaan caddeymo rasmi ah arrintooda geeya Qaramada Midoobay. Ha sugina in ay burburiyaan Soomaaliya”.

Baaqa Faarax Macalin ayaa ka danbeeyay markii ciidamo la sheegay inuu Imaaraadku tababaray, kana amar qaata ay weerar ku qaadeen guri uu leeyahay senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo hore u ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, balse hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka sare iyo Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Baarlamaanka.

Siyaasiga Faarax Macalin ayaa ku caan baxay inuu adeegsado ereyo kulul marka uu ka hadlayo xaaladda Soomaaliya, isagoo si weyn u taageeray doorashadii Farmaajo iyo magacabidii  Kheyre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON