Monday, June 23, 2025

Faarax Macallin oo fuleynimo ku tilmaamay tallaabadii uu Farmaajo kusoo celiyey xiriirkii Kenya

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dowladda Kenya, kana mid ah siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ee sida weyn u taageersanaa Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa fuleynimo iyo nasiib xumo weyn ku tilmaamay inay dowladda Somaaliya soo celiso xiriirkii ay u jartay Kenya.

Wuxuu sheegay in markii ay xiriirka Soomaaliya u jartay Kenya, ayna caddeysay inay faragelin ku heyso Soomaaliya, haddana iyadoo aan waxba iska bedelin arrimihii xiriirka loo jaray ay ahayd wax aad looga xumaado in Soomaaliya ay baryootanto oo dib u soo celiso xiriirkii.

“Doqonku wuxuu xaqiiqa uga tagaa fuleynimo iyo cabsi, wuxuu is-leeyahay haddii sidaas sameyso amaa lagaa dhimaa.. Kenyaan baan ahay anigu, laakiin raali kama nihin sida ay ula dhaqanto dalka aan jaarka nahay ee Soomaaliya..” ayuu yiri Faarax Macalin oo wareysi siiyay VOA-da.

Kenya ayuu sheegay inay dhaqaale badan ku heysato Soomaaliya. “Marka hore maxay u gooyeen xiriirka haddii ay ogyihiin inay berri soo gurguuran doonaan oo cabsanayaan ileyn waa fuleyiin.. Hadda maanta sharaf xumo meeshii ugu hooseysay ayey joogaan..” ayuu yiri Faarax Macallin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON