Shirkadda Facebook ayaa meesha ka sartay qoraal uu soo dhigay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kaddib markii lagu sifeeyay inuu ku xad-gudbay sharciga ka horjeeda hurinta colaadaha.
Abiy Axmed ayaa ugu baaqay muwaadiniinta dalkaasi inay hubka qaataan si ay uga hortagaan abhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ee dagaalka kala horjeeda dowladiisa, kadib markii ay kusoo dhowaadeen magaalada Adis ababa.
Qoraalka Abiy Ahmed ayuu kusheegay in horu-socodka fallaagada ay “dalka ku riixayaan inuu burburo, wuxuuna ku boorriyay muwaadiniinta dalkiia inay is abaabulaan oo ay maraan qaab kasta oo sharci ah oo leh hub iyo awood kasta… si ay uga hortagaan, dhulka ula jaraan una aasaan argagixisada TPLF.
Af-hayeen u hadlay Facebook, oo shirkadiisu ay dhawaan la baxday Meta, ayaa sheegay in lagu wargeliyay qoraal uu qoray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy ahmed, ayna meesha ka saareen markii uu ku xad-gudbayy siyaasadda ka dhanka ah kicinta iyo taageeridda rabshadaha.
