Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in la hakiyay doorashadii Aqalka hoose ee socotay kadib fadeexo ka dhalatay kursi la isku hayay.
Sababta loo hakiyay doorashada Aqalka hoose eeKismaayo ayaa hakad la geliyay, kadib markii ay soo baxday musuqmaasuq lagu sameeyay ergada dooraneysa kursi ka mida Aqalka sare.
Nabadoon la musuqmaasuqya ergda Beeshiisa oo lagu bedelay ergo been abuur ah ayaa ayaa u dacwooday ciidmada ammaanka isagoo sheegay in ergo aanu soo qorin lagu xareeyay goobta doorashada, taasoo uu ka dambeeyay Guddiga Doorashada Jubbaland.
Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa la sheegay inay is hor istaag ku sameyeen Ergada, kadibna Nabadoonku uu liiskiisa goobta ku soo bandhigay isagoo mid mid u yeeriyay magacyada ergada, halkaasoo ay kasoo abxeen 8 ergo oo been abuur ahaa.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Jubbaland ayaa lagu eedeeyay uu sameeyay wax isdaba marinta Ergada ku aadan, Waxaana la joojiyay doorashadii oo hakad loo geliyay falka is daba marinta ah ee dhacay.
Goobjooge.com