Fadeexadii keentay inuu shaqada iska casilo tababarihii xulka Ingiriiska Sam Allardyce ayaa laga cabsi qabaa inay galaafato xubno oo xilal tababarenimo ka haya kubadda cagta Ingiriiska.
Caddeymo ku saabsan ilaa 8 qof oo isugu jira tababareyaal iyo caawiyeyaal ayaa la sheegay in loo gacan geliyay xiriirka FA-da ee Ingiriiska, waxaana ay arrintan salka ku heysaa gacan saddexaad oo ku lug yeelatay kala iibsigaa ciyaartoyada tegaya Ingiriiska iyo lacago lagu kala qaatay howl fududeyn.
Allardyce waxa uu tababare u ahaa xulka Ingiriiska 67 maalmood oo keli ah, markii fadeexadan galaafatay shaqadiisii. Waxaana lagu helay video laga duubay isagoo bixinaya talo ku saabsan sida la isu dabamariyo shuruucda kala wareejinta ciyaartoyda.
Allardyce, oo 61 sano jir ah, ayaa laga duubay muuqaal isagoo sheegaya inaysan dhibaato ahayn in sharciga la baalmaro oo qof sedaxaad uu yeesho ciyaaryahan xilliga kala wareejinta, ayna jiraan dalaaliin uu garanayo oo muddo arrintaasi ka shaqeynayay.
Baaritaanka uu wargeyska The Telegraph sameeyay waxaa sidoo kale lagu sheegay in heshiis ay ku baxday £400,000 uu Allardyce galay isagoo adeegsanaya xilkiisa tababarenimo. Waxaa lagu xusay baaritaanka in shirkad lagu magacaabo Maalgashadayaasha Far East uu u noqday qofka ku matalaya kullan muhiim ahaa.
Kooxda Southampton ayaa sheegtay inay baareyso kaaliyaha koowaad ee koxoda Eric Black ayaa la sheegay inuu baaritaan ku socdo isla kiiskan markii uu ka soo dhex muuqday, waxaa kaloo baaritaan kale lagu hayaa tababarraha kooxda Jimmy Floyd Hasselbaink oo waanwaan ka galay sidii uu laaluusha dhan 55,000 Gini uga qaadan lahaa shirkadda Far East.
Kubadda cagta Ingiriiska ayaa laga cabsi qabaa inay soo wajahaan mowjado is-casilaad ah kadib markii la ogaado xubnaha kale ee ku lugta leh kiiska fadeexadeed ee uu isu casilay tababarihii xulka Ingiriiska Sam Allardyce.