Fadeexadii ug weyneyd ee uu ku lug yeesho xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa soo shaac baxday iyadoo in ku dhow 100 xubnood ay ku lug leeyhiin.
Baaritan uu sameeyay saxafi u dhashay dalka Ghana Anas Aremayaw Anas oo socday muddo 2 sano ah ayaa soo bandhigay mas’uuliyiin iyo garsooreyaal kubadda cagta Afrika ka tirsan oo qaadanaya lacago hadiyad lagu sheegay si ay wax uga bedelaan natiijooyinka ciyaaraha afrika iyo kuwo caalami ah.
Waxaa la shaaciyey in ka badan boqol qof oo isugu jira garsoorayaal iyo mas’uuliyiin sarsare ayaa muuqaal laga duubay ayaga oo qaadanaya lacago khilaafsan shuruucda FIFA iyo kuwa xiriirka kubadda cagta ee Ghana.
Muuqaalladan uu duubay weriyaha Ghana u dhashay ee Anas Aremayaw Anas isagoo iska dhigaya weriye maalgashanaya kubadda cagta, waxayna dhaliyeeny in su’aallo badan la iska weydiiyo qaabka loo maareeyo kubadda cagta Afrika
Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa sheegay in Aden Range Marwa oo u dhashay Kenya kana mid ah garsoorayaasha loo xushay qabashada koobka adduunka aanu ka qeybgeli doonin tartankaasi ka furmaya Ruushka, ka dib markii muuqaal laga duubay asagoo qaadanaya 600 oo dollar oo hadiyad lagu tilmaamay.
Waxaa lacagtaasi Marwa siiyay weriye si qarsoodi ah u hawlgalayay oo isaga dhigay inuu ka tirsan yahay maamulka koox ka dheesha dalka Ghana. Garsooraha ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.
Kwesi Nyantakyi oo ka tirsan guddiga FIFA una dhashay Ghana, ayaa sidoo kale ka mid ah dadka lagu helay fadeexaddan. Ninkan oo ah kan labaad ee ugu awoodda badan kubadda cagta ee Afrika, ayaa la arkay asaga oo lacag dhan 65 kun oo dollar ka qaatay weriye isaga dhigay inuu doonayo maalgashi uu ku samaysto kubadda cagta ee Ghana. Kwesi ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arinkaasi.