Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox Bistoolado ku hubeysan ay dhowr qof ku dileen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa saaka ka dhacay xaafadda Xaawo-taako ee degmada Wadajir oo ku dhow xarunta Degmada iyo Saldhiga Wadajir, waxaana dableyda ay dadkan ku weerareen xilli ay ku sugnaayeen goob maqaayad ah, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Weerarkan waxaa fuliyey ilaa saddex nin oo la sheegay inay dhalinyaro ahaayeen, kuna hubeysnaayeen Bistoolado, kadibna ay ka baxsadeen goobta, iyadoo markaas kadib ay gaareen ciidamada amniga.
Labada Askari ee weerarkan lagu dilay ayaa magacyadooda waxay kala yihiin: Cali Muuse (Cali Dahab) oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Xasan Dacaar oo ka tirsanaa Saldhiga Booliska degmada Wadajir. Xasan Dacaar ayaa ahaa nin oday ah. Waxaa kaloo weerarka ku dhaawacmay laba qof oo rayid ah.
Goobta weeerarku ka dhacay waxaa gaar ciidamada amniga degmada Wadajir iyo kuwa Booliska oo halkaasi ka qaaday meydadka dalkii la dilay.
Maamulka Degmada, kan Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga ayaan weli ka hadlin falka lagu dilay askarta iyo dadka shacabka ah.
