Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhaca fal dil ah.
Dilka ayaa la sheegay inuu geystay askari ka tirsan ciidamada Ahlu suna, kadib markii uu rasaas ku riday nin darawal ahaa oo waday Gaari weyn oo Iska-roge, kaasoo uu ka shakiyey kadibna rasaas ku riday, taasoo madaxa ka haleeshay darawalka.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Gaariga weyn uu kasoo baxay meel aanu fileyn askariga oo shaki leh, kadibna uu qaatay tallaabada degdega ah ee uu rasaasta ku furay, darawalka ayaa isla goobta ku geeriyooday.
Askariga falkan geystay ayaa la qabtay waxaana lagu xiray Saldhiga Magaalada Dhuusamareeb. Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ammaanka Magaalada Dhuusamareeb si weyn loo adkeeyay, isla markaana uu ku sugan yahay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.