Tuesday, July 1, 2025

Fal kufsi Gabar aad u yar oo ka dhacay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Waxaa soo shaac baxay kiis cusub oo kufsi naxdin leh, kadib markii gabar aad u yar oo 5 sano jir ah ay qoyskeeda sheegeen in la kufsaday.

Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Faanoole ka tirsan degmada Kaaraan, Gobolka Banaadir, waxayna Qoyska gabadha yari warbaahinta u sheegeen inuu falkan geysay Nin xaafadda la degan uu qabsaday gabadha, kadibna uu fara-xumeeyay.

Qoyska gabadha yar ee falka tacadiga ah ku dhacay oo magaceeda lagu sheegay Samiira Yuusuf Maxamed ayaa la geeyay mid ka mida isbitaallada Muqdisho oo xaaladeeda lagu baaray.

Waa kiiskii saddexaad ee kufsi ah iyo midkii labaad oo ay ku lug yeesheen caruur oo ka dhaca magaalada Muqdisho; waxayna qoyska dalbadeen inay cadaalad helaan.

Ma jiro weli wax wr ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Banadir iyo Hay’adaha Amniga magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON