Saturday, July 5, 2025

Fal Naxdin leh: Wiil Aabihii Baangad ku diley degaan ku dhow Magaalada Kismaayo

Dil naxdin leh ayaa ka dhacay degaanka Buulo Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo, xarunta gobolka Jubbada Hoose, kadib markii wiil dhalinyaro ah ayaa halkaasi ku  dilay Aabihiis.

Wiilka dilka geystay ayaa la sheegay inuu muran kala dhaxeeyay aabihii isagoo ku dooday inuu u diidi jiray imaanshaha Guriga, wuxuuna Baangad ku dilay  Allaha u naxariistee Aabihiis oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Shariif Kalar oo ahaa nin 80 sano jir ah oo caan ka ah degaanka Buulo Guduud, wuxuuna gowracay aabihii kadib markii uu dhowr jeer Baangad  dhuftay oo uu dhacay.

Saraakiisha ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland oo falkan ku baxay ayaa gacanta ku soo dhigay, wiilkan aabihiisa gowracay, waxaana lagu xiraysaldhigga Booliska magaalada Kismaayo.

Dadka degaanka ayaa sheegay in wiilka dilka geystay looga shakisan yahay inuu Alshabaab ka tirsanaa, iyadoo falka dilka laga yaabo inay ka dambeyso kooxdaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON