Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay fal khaarijin ah oo lagu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda.
Dilka ayaa ka dhacay degmada Waaberi, siiba xaafada Buurdheere ayaa waxana koox Bistoolado ku hubeysan ay dileen askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.
Askarigan ayaa ka sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska ayaa ku sugnaa meel baar ah oo laga cunteeyo, waxaa rasaastu ka haleeshay qaarka sare ee jirkiisa.
Dadka Degaanka ayaa sheegaya in askariga oo lagu magacaabi jiray Caddow uu isla goobta ku geeriyooday, iyadoo ay baxsadeen dableydii dilka geysatay.
Goobjooge.com