Sunday, July 6, 2025

Fanaanad lagu dhaawacay Weerarkii Alshabaab ee Hotel Elite oo geeriyootay

Waxaa Isbitaalka Digfeet ee magaalada Muqdisho ku geeriyootay Faa’isa Ibraahin Yuusuf (Faaisa Beela) oo ahayd fanananad dhaawac culus ka soo gaaray weerarkii Hotelka Elite.

Xaaladda fanananada ayaa ahayd mid culus, waxayna ku jrtay xaalad miir dabool ah (Koomo). Saaka ayey Marxuumad Faa’isa ku geeriyootay Isbitaalka, sida ay xaqiijiyeen Eheladkeeda.

Marxuumad Faa’isa Ibraahim ayaa ka tirsaneyd Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyed, iyadoo la sheegay inuu dhaawaca soo gaaray xilli ay ku jirtay duubista hees cusub.

Weerarkii Hotelka Elite ayaa la shaaciyey inay ku dhinteen 16 qof, laakiin xaqiiqada dadka dhaawacmay iyo kuwa ku dhintay ayaa ka tiro badan inta ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON