Fanaanka Caanka ah ee Farxaan Xidig ayaa looga guuleystay doorashada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ee maanta ka dhacday magaalada Magaalada Muqdisho.
Doorashadii dhacday ayaa natiijadu noqotay inuu ku guuleysto Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ahaa xildhibaanadii hore ee Federaalka oo helay 45 cod , halka Farxaan Xiddig uu helay 6 Cod oo qura.
Fannaanka oo ka hadlay sida doorashada u dhacday ayaa bannaanka soo dhigay in loo hanjabay, loo adeegsaday qoriga caaradiisa, isla markaana suldaankii beesha iyo ergadaba awood lagu maquuniyay.
Wuxuu sheegay inuu hayo caddeyn Video ah isagoo la handadayo, arrintaasina uu danbeeyay nin uu magaciisa ku sheegay Cabdi Buur.
DHAGEYSO CODKA FARXAAN
Goobjooge.com