Fannaanada Yurub Cabdi Cismaan (
“Shacabka Somaliland meel walboo aad joogtaan waxaan idin leeyahay haddaad dhibsateen inaan Muqdisho tegay, aad baan idiinka raaligelinaya mana dhici doonto” ayay tiri Fannaanada oo saxaafadda la hadashay markii ay ka degtay magaalada Hargeysa.
“Waxaan sidoo kale halkan mahadnaq gaar ah uga fidinaya Madaxweynahayga Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo cafis balaadhan ii fidiyey, aad baan ugu mahadcelinaya..” ayay tiri fanaannada oo sheegtay in inay tahay fanaanad reer Somalilandoo aanay jirin cid ka meyri karto.
Yurub Geenyo ayaa Muqdisho ku sugneyd in muddo ah iyadoo ay isku dhaceen xubno kale ay ku eedeeyay inay taageertay Somaliweyn.