Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in la dhimayo ciidamada xoogga dalka.
Isagoo ka hadlayay xaflad lagu soo xiray Kalfadhigii 1aad ee Baarlamanka Soomaaliya ayuu sheegay inaysan waxba ka jirin hadallada maalmahan ay wadaan qaar ka mid ah siyaasiinta iyo xildhibaanada ee sheegaya n la yareenayo tirada Ciidamada Soomaaliya laguna soo koobayo 18,000.
“Ciidankeenu 18,000 maaha, mana ahaan karo, laakiin waa ugu yaraan, tabarteenna ayay ku xiran tahay boqol iyo laba boqol…. Ciidanka hadda joogana hal qof oo la ruqseynayo ma jiro, kuwii hore loo ruqseeyay ayaa soo celinay…, maxaa yeelay qof kasta waan u baahanahay..” ayuu yiri Farmaajo inuu sheegay inuu yahay taliyaha guud ee ciidamada ayna ka go’an tahay inuu dib u soo celiyo sidii ay ahaayeen jireen.
DHAGEYSO