Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Tanzania, iyagoo uga tacsiyadeynaya Geerida madaxweynaha dalkaasin John Magufuli.
C/raxmaan C/shakuur oo tacsidii ugu horeysay diray ayaa qoraal af-soomaali ku qoran ku yiri: “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, dawlada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tanzania geerida naxtinta leh ee ku timid Madaxweynihii Tanzania H.E John Pombe Magufuli. Tanzania waa dal uu xiriir soo jireen ah kala dhexeeyo Soomaaliya”.
Dhinaca kale Maxamed C/llaah Farmaajo ayaa saaka aroortii tacsi kasoo saaray geerida Madaxweynaha Tanzania, waxaana qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu yiri: “
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray shacabka iyo dowladda dalka Tansaaniya geerida ku timid Madaxweynihii dalkaas Mudane John Pombe Magufuli. Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweyne Kuxigeenka dalkaas Marwo Suluhu Samia iyo Marwadii uu ka geeriyooday Madaxweynuhu Marwo Janet Magufuli”.
