Wednesday, June 25, 2025

Farmaajo iyo Madaxda taageersan oo isaga tegay Teendhada Xalane iyo War ay kasoo saartay Xukuumadda…

Madaxweynaha Xilkiisu dhammaaday iyo madaxda saddexda maamul Goboleed ee taageersan ayaa ka tegay xarunta Teendhada Xalane, kadib markii ay kasoo qeyb geli waayeen qaar ka mida madaxda dowlad Goboleedyada Puntland iyo Puntland.

Shirka maanta ayaa kaliya waxaa soo xaadiray Maxamed C/llaahi Farmaajo, RW Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana ku wehliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Dubbe ayaa sheegay in shiruku furmay, casuumaadana uu lahaa Farmaajo, ayna rajeynayaan inay kasoo qeyb galaan madaxda Puntland iyo Jubbaland, wuxuuna intaas ku daray in dalku doorasho aadayo oo kaliya ay harsan tahay in la saxiixo heshiiska.

Beesha Caalamka ayaa wada waanwaan la isugu keenayo madaxda Soomaalida, dibna loogu qabanayo shirkii maanta baaqday oo dhinaca Madaxtooyada ay sheegeen inuu furmay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON