Waxa goor dhoweyd xarunta Afisyone ee ee Garoonka diyaaradaha gaaray Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo qaar ka mida madaxda Maamul Goboleedyada.
Farmaajo oo ay la socdaan ciidamo fara badan ayaa gaaray Teendhada Afisyone, waxaana sidoo kale halkaasi gaaray madaxda maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed, waxaa kaloo goobta ku sugan Ra’iisal wasaaraha.
Waxaa weli socda qabanqaabada shirka oo lagu wado inay lagu qanciyo inay yimaadaan Madaxda ka maqan ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, iyadoo ay dadaalkii ugu danbeeyay wadaan wakiilka Q/Midoobay iyo Safiirka Mareykanka.
Ciidamada Koofiyad casta ee ilaalada Madaxtooyada ayey soo sheegeen weriyeyaasha in Farmaajo looga reebay albaabka laga galo Marina Gate, balse ay ciidamada Koofiyad Casta ku hareereysan yihiin goobta shirku ka dhacayo. Waxaa amniga guud gacanta ku haya AMISOM.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
