Sunday, June 22, 2025

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo ka digay Qorshe uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa digniin kasoo saaray qorshe ay sheegeen inuu wado Madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraallo ay iska soo daba saaren Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayey walaac uga muujiyeen xilligan lagu jiro xaaladda ka dhalatay faragelinta Itoobiya oo loo midoobay sidii looga hortegi lahaa inay madaxtooyada ku howlan tahay bedelka iyo laalista Dastuurka KMG ah.

“Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay”.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ad

Wuxuu kaloo qoraalkiisa ku sheegay in marxaladdan xasaasiga ah ee Dalku ku jirno aanan la xamili karin in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho, wuxuuna ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda inay mideeyaan cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed sidii loo difaaci lahaa midnimada, gobanimada iyo qarannimada dalkeenna.

Farmaajo ayaa sheegay inuu dalku marayo marxalad adag, kuna jiro xaalad xasaasi ah oo u baahan midnimo iyo wada tashi si loo waajaho xaaladda adag, wuxuun sii raaciyay: “Waxaa habboon in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel gaarka ah, waqtina la siiyo wadatashiga iyo ra’yi aruurinta arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, si looga fogaado khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin”.

Dhinaca kale madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa isna ka digay in dalka laga ilaaliyo wax kasta oo keeni kara khilaaf xilligan oo dalku uu maraayo marxalad adag, kuna jiro xaalad xasaasi ah oo u baahan midnimo iyo wada tashi si loo waajaho xaaladda adag.

- Advertisement -

Wuxuu Sheekh Shariif kula taliyey Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh inay ku mashquulaan arrimaha horu-tabinta u leh danaha Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay qaaddo tallaabooyin u dhigma waxa ka socda gobalka oo lagu xaqiijinaayo badqabka madax bannaanida iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaa habboon in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel gaarka ah, waqtina la siiyo wadatashiga iyo ra’yi aruurinta arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, si looga fogaado khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin” ayuu yiri qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.

Qoraallada ay soo saareen labada madaxweyne ee hore oo xiriir leh ayaa muujinaya inay dib u soo laabatay arrintii wax ka bedelka Dastuurka oo khilaaf weyn ka taagnaa intii aysan soo bixin faragelinta Itoobiya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON