Wednesday, June 25, 2025

Farmaajo & madaxweynayaasha saddex maamul Goboleed oo u dhoofay Magaalada London

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed C/llaah Farmaajo iyo wafdi la socda ayaa ku sii jeeda magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaasoo uu ka qeybgeli doono shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga madaxwenaha Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaliya, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sidoo kale waxaa wafdiga Madaxweynaha ka mid ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, La taliyeyaasha Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah howl wadeenadiisa.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa raacay Diyaarada Turkish Airlines duulimaadkeeda tooska ah ee Muqdisho iyo Istanbul, waxaana ay caawa Transit ku noqonayaan Istanbul, iyagoo diyaarad kale ka qaadi doon

Shirka ayaa furmaya 11-ka bisha, waxaana ka qeyb geli doona in ka badan 40 dal iyo hay’ado caalami ah. Shirka  waxaa wada guddoomin doona madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska.

Shir looga hadlayo abaaraha Soomaaliya iyo qaaraan ururin ayaa London ka dhacaya habeen danbe iyadoo ay kasoo qeybgeli doonaan Soomaali fara badan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON