Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amray in la dhaariyo Guddiga La-Dagaallanka Musuqmaasuqa oo ahaa guddi sharcinimadiisa muran ak taagan yahay.
Guddigan ayaa la magacaaaay xilligii ay jiray xukuumadii xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuledd, waxaana maanta xubnaha guddiga oo tegay xarunta Madaxtooyada dharkooda ka qeyb galay Maxamed Farmaajo.
Qoraal ay faafisay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Farmajo uu sheegay inay dowladiisa uga ay ka go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha.
Sagaalka xubnood ee Guddigan waxaa xilka u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.
Dhaarinta Guddigan oo ku beegmay xilli kala guur ah oo dood ka taagan tahay muddo kororsiga Farmaajo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirrada Xukuumadda xilgaarsiintaee Caddaaladda, Maaliyadda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.
HALKAN KA AKHRISO MAGAAABSITA IYO MAGACYADA GUDDIGA



