Monday, June 23, 2025

Farmaajo oo booqasho degdega ku tegaya dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia [Warbixin]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa safar degdega ku tegaya dalalka safka hore ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Socdaalkan oo la sheegay inuu taladeeda lahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku saabsan sidii dalalkaasi loogala hadli lahaa dagaal weyn oo dowladda Soomaaliya ay dooneyso in lagu qaado Alshabaab.

Dalalka uu booqan doono Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inay ka mid yihiin: Jabuuti, Itoobiya, Uganda iyo Kenya oo madaxdooda uu kala tashanayo sidii dagaal saf balaaran loogu qaadi lagaa Alshabaab.

Dagaalkii uu madaxweyne Farmaajo uga dhawaaqay kadib qarixii Muqdisho ayuu dib u dhigay kulan uu la qaadan labada aqal ee baarlamaanka, waxaana soo dhex galay arrinta safarka dibadda .

AMISOM ayaa ku jira xaalad aan u saamaxeynin inay ciidamadeeda dagaal galaan xilligan, taasoo ay ugu wacan tahay khilaaf dhinaca dhaqaalaha ah oo kala dhaxeeya dalalka Midowga Yurub ee bixiya kharashka ciidamada, waxayna dalalkan olole ugu jiraan in loo kordhiyo dhaqaalaha la siiyo ciidamadooda.

Dagaal lagu qaado Alshabaab ayaa hadda sii noqonaya arrin culus kadib markii madaxweyne Farmaajo ay caqabado ka soo wajaheen qaar kamida xildhibaannada Baarlamaanka iyo AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON