Tuesday, June 24, 2025

Farmaajo oo Go’aan culus hordhigay Shir madaxeedka IGAD ee arrimaha Qaxootiga Soomaaliya [Sawirro]

Shir madaxeedka IGAD ee xal u helida Qaxootiga Soomaaliya ayaa ka furmay galabta magaalada Nairobi, iyadoo goor dhow lagu soo gabagbeynayo halkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka wuxuu uga hadlay xaaladda qaxootiga Soomaalida iyo sidii hal loogu heli lahaa, wuxuuna soo jeediyay go’aan culus oo ku saabsan gargaarka iy horumarinta Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in dhammaan hay’adaha iyo dhinacyada ku howlan gargaarka iyo horumarinta Soomaaliya ay guuraan kana howlgalaan gudaha Soomaaliya, taasina ay tahay tallaabada koowaad ee loo baahan yahay in lagu dhaqaaqo.

Wuxuu intaasi ku daray in dowladiisa ay sameysay wasaarad gaar u ah arrimaha gargaarka ayna muhiimad gaara siin doonto taageerada dadka abaareysan.

Hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya ka howlgala ayaa degan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, arrintaas oo ka mid ahayd qodobadii uu ka hor yimid Farmaajo intii uu ahaa Ra’iisal wasaaraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON