Wednesday, June 25, 2025

Farmaajo oo magaacabay Guddi ka kooban 15 xubnood & 4 la-taliye Madaxweyne [Akhriso Magacyada]

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.

Guddigan oo hore guddoomiyihiisii u diiday xilkan ayaa hadda lagu dhawaaqay, iyadoo sidoo kale la magaaabay Lataliye-yaasha Madaxweynaha ee Arrimaha Xoogga Dalka, Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta, Amniga Qaranka iyo Lataliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda.

Jeneraal Axmed Jaamac Muuse ayaa loo magacabaay Guddoomiyaha Guddiga, xilkan oo uu hore u diiday Jaamac Maxamed Qaalib, waxaa ku xigeen u ah Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA :

1.Jeneraal Axmed Jaamac Muuse – Guddoomiye
2- Sheekhu Nuur Baaruud Gurxan – Guddoomiye ku xigeen
3- Jen. Cabdulqaadir Cali Diini
4. Danjire Maxamed Xuseen Abuukar ( Awliyo )
5. Prof. Muuse Aadan
6. Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey )
7. Shukri Maxamed Afrax
8. Sh. Abuukar Bashiir Sh. C/llaahi
9. Sh. Cali Maxamed Xasan (Wajiis )
10. Cabdullaahi Calibaar Xoosh
11. Caasha Abuukar Qaasim
12. Abuukar Sheekh Cismaan
13. Suldaan Warsame Suldaan Ibrow
14. Bashiir Mursal Ciise Bootaan
15. Feysal Weheliye Macalin Cumar

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinac kale  u magacaabay S/Guuto Axmed Sheekh Maxamed La-taliyahiisa Amniga Qaranka, halka S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, iyo Maxamed Cabdirisaaq, oo isna loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta. Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa isaga hore loogu magacaabay Lataliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON