Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay qoyska iyo qaraabada Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo maanta aas qaran loogu sameeyey Muqdisho.
Farmaajo ayaa la wadaagay ubadka, qoyska iyo qaraabada Marxuumka inay maamuus Qaran ay dowladda u sameysay Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, taasoo ka tarjumeysa sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo hoggaaminta Dalka.
“Geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, ma’ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed. Marxuumku waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimadeenna, waxa aynu weligeen ku xasuusan doonnaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey” ayuu yiri Farmajo sida ay kasoo xigatay Madaxtooyada.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo wiilasha Marxuum Cali Mahdi ee kala ah: Liibaan Cali Mahdi iyo Mahdi Cali Mahdi, Gurey Xaaji iyo xubno kale.







