Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay qoraal uu madaxweynaha waqtiga ka dhammaatay ee Maxamed C/llaahi Farmaajo uga tacsiyadeynayo geeridii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.
“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya. Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka”. ayaa lagu yri qoraalka Madaxtooyada.
Tacsidan ayaa timid saacad badan kadib markii geeriyda Cali Mahdi aysoo baxday, taasoo qabsatay baraha bulshada, waxaana bilowday su’aalo la iska weydiinayey waxa uu Farmajo uga aamusay tacsidan.
“Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo soo celiyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey. Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.” ayuu ku dhawaaqay Farmaajo.
Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.
