Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista Wasiirkii Amniga, isagoo sheegay sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadista ka timida Ra’iisal Wasaare Rooble.
War kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka.
“Farmaajo oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.”
Wuxuu sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn. “Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Farmaajo.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaasha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.
Wasiir Xundubey ayaa dalka ka maqan, waxaana farriin uu soo qoray uu ku sheegay inuusan Ra’iisal wasaaruhu yahay xilgaarsiiye ee aanu ahayn xilqaade, taasoo ka muquata inuu ku gacan seyray xil ka qaadista lagu sameeyay.
Loolanka dhinaca awoodda ee Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ayaa weji cusub galay, iyadoo ay wareegtooyin iyo Qoraallo isugu jawaabayaan labada xafiis.
