Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa tacsi u diray saraakiishii iyo dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Farmaajo ayaa saacado kooban kadib diray farriin tacsi ah, waxaana farriinta lagu baahiyey baraha bulshada ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo warbaahinta dowladda, waxayna ahayd markii ugu horeysay ee muddo sanado oo uu degdeg uga hadlo Qarax dad ku dhinteen oo ka dhaca Muqdisho.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Amniga waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga dhagarta arxan-darrada ah ee argagixisada.” ayuu farriintiisa tacsida ku yiri Farmaajo.
Arrintan ayaa ka dambeysay farriimo tacsi ah oo qabsaday baraha bulshada, iyadoo ay dirayeen siyaasiyiin, Musharixiin caan ah iyo madax kala duwan oo ka hadlay saraakiisha ku geeriyootay qaraxa.
Maxamed Farmaajo ayaa saddexdii sano ugu danbeysay muddo xileedkiisa qaatay siyaasad ah inuu ka gaabsado ka hadalka qaraxyada iyo tacsida loo dirayo dadka ku dhinta marka laga reebo qaraxyo dhif ah, taasoo si weyn loogu eedeyn jiray baraha bulshada.
Kadib markii uu xilkiisa dhammaaday, uuna ka fashilma qorshihii muddo kororsiga ayuu bilaabay Farmaajo dhaqdhaqaaq uu kula kulmayo dhinacyada bulshada, waxaana hadda muuqata inuu isbedel ku yimid arrintan.
