Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si hordhac ah uga hadlay waxqabadkiisii 100-ka maalmood intii uu xilka hayay.
Farmaajo oo xalay ka qeybgalay xaflad ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banadir oo lagu xusay 15-ka May ayaa sheegay waxqbadkiisa ku soo koobay afarta qodob ee soo socota:
1- In Mushaarkoodii lasiiyay shaqaalaha iyo ciidamada dowladda muddo 4 bilood oo xiriir ah.
2- Inuu soo celiyay Sharaftii iyo karaamadii oo Soomaaliya dunida meel kasta laga soo dhoweeyay.
3-Inuu dhisay xukuumad shaqo diyaar u ah oo leh wasiiro shaqada u carbisan.
4- Inuu bilowday wadashaeyn lala yeeshay Hay’adaha Bankiga Adduunka iyo Lacagta Adduuka si deymaha looga cafiyo Soomaaliya.
Goobjooge.com