Thursday, July 3, 2025

Farmaajo oo soo gaabiyey safarkiisii Dalka Congo, xilli aan la fileyna Dib ugu laabtay Muqdisho

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay soo gabagabeeyay socdaalkiisii dalka Congo, isagoo saaka aroortii xilli aan la fileyn si guuro ku galay magaalada Muqdisho.

Safarka oo hore loo shaaciyey inuu qaadan doono 2 maalmood ayaa kusoo koobmay 24 saacadood, waxaana salaadii subax saarka garoonka Muqdisho kusoo dhoweeyay saraakil kooban, iyadoo wadooyinka madaxtooyada ilaa garoonka diyaradaha la xiray xilli uu roob xoog leh ka da’ayey caasimadda.

Socdaalka Maxamed Farmaajo ee magaalada Kinshasa oo ahaa mid lama filaan ah ayaa dood badan ka dhaliyey baraha bulshada, kadib marki warar kala duwan ay soo kala saareen Madaxtooyada Congo, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Farmaajo.

Wuxuu magaalada Kinshasa ugu dhawaaqay in Midowga Afrika uu dhexdhexaadiyo kaalin fududeyn ahna ka qaato xalinta khilaafaadka Doorashada, iyadoo la furayo wadahadal ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON