Thursday, June 26, 2025

Farmaajo oo u dhoofay Dalka Turkiga (Muxuu ku doortay diyaaradda Ethiopian Airlines?)

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay dalka Turkiga.

Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shirka Turkiga iyo Afrika oo uu marti gelinayo madaxweynaha Turkiga, kaasoo ah shirkii saddexaad ee Afrika iyo Turkiga.

Wafdiga Farmaajo ayaa Muqdisho ka raacay diyaaradda Ethiopian Airlines oo ku hakaneysa magaalada Addis Ababa saacado badan, isagoo ka doortay diyaaradda Turkish Airlines oo sii-mar (transit) ku ah dalka Jabuuti, taasoo ay ugu wacan tahay khilaafka kala dhaxeeya dalkaasi.

Shirkan uu ka qeyb galayo Farmaajo ayaa ah kii sadexaad oo ka dhaca dalka Turkiga, waxaana shirkan ka qeyb galaya Madaxweynayaasha  13- dal oo Afrikaan ah iyo wafuud kale oo lagu casuumay.

Shirkan beri ka furmaya dalka Turkiga ayaa qodobada ugu muhiimsan ee diirada lagu saari doono waxaa kamid ah Arrimaha Siyaasadda, Ammaanka, Iskaashiga, Maalgashiga, Ganacsiga iyo Milliteriga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON