Kadib muddo toddobaad ah oo uu dibad joog ahaa madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah u sal dhigto xarunta dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyada Villa Somalia.
Maanta waxaa madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo u bilaabaneysa shaqadiisii rasmiga ahayd,m waxaana la qabanayaa xaflad kooban oo xil wareejin ah.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka huleelaya xarunta Madaxtooyada oo muddo 4 sanadood iyo 5 bilood ah uu ku sugnaa, isagoo u wareegi doona dalalka ay qoysaskiisu degan yihiin ee Tanzania iyo Turkiga.
Xasan Sheekh wuxuu ka tegay dhaxal halis badan iyo dowlad musuqmaasuqa gaaray heerkii ugu sareeyay, waxaana la isku heystaa miisaaniyadii labadii sano ee ugu danbeysay oo lacag ka bdan 110 Milyan oo doolar ay maqan tahay sida uu sheegay hanti dhowrka.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa laga shaqeynayay sidii ay xilwareejintan u dhici lahayd, iyadoo shalay uu dhacay kulankii ugu danbeeyay ee Villa Somalia ku dhexmaray madaxweynihii hore iyo kan cusub oo kulankooda uu ku soo biiray Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Madaxweyne Farmaajo iyo Villa Somalia wixii maanta ka danbeeya waxay noqon doonaan saaxiibo, isagoo noloshiisa madaxweyne ku qaadan doona, waxaana hor yaalla xaalado aad u adag oo wax qabasho u baahan.
Farmaajo ayaa la sheegay inuu ku soo beegmay xaaladii ugu adkeyd ee madaxweyne xilka ku cusub uu yimaado Villa Somalia, waxaana jira dhibaatooyin waaweyn oo keeni kara in maamulkiisu shaqeyn waayo.
Goobjooge.com