Prof. Xasan Sheekh Cali oo ka mida aqoonyahannada ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo dacwad lagu soo oogi doono marka ay dhammaato mudadda xil-heyntiisa.
Isagoo ka hadlayey xus baroordiiq ah oo loo sameeyay sanadguurada weerarkii Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu yahay Taliyaha Guud ee ciidamada dalka, isla markaana uu mas’uul ka yahay wixii ka dhacay Guriga C/raxmaan C/shakuur.
“Ciidamada weerarka soo qaaday taliyahooda waa Madaxweynaha waxaa laga rabaa inuu soo qabto oo cadaaladda horkeeno kuwii weerarka soo qaaday ee denbiga galay…; haddii aanu soo qaban waxay ka digan tahay inuu isagu soo faray… Markaas 9-ka Febraayo 2021 marka uu xilka ka dhammaado waa inuu usoo diyaar garoobo Maxkamad.. Madaxweynaha waxba laga halleyn maayo sharciga ayaa la horgeynaa, waa is difaacaa.. denbi ayaa lagu helaa ama lagu weynaa. laakiin Madaxweynaha waa eedeysane, ku eedeysan dilka wiilashan Soomaaliyeed..” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh Cali.
HOOS KA DAAWO