Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadii KMG ahayd ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay
in dowladda Xasan Sheekh ee 4 sano xilka heysay ay wax waliba ku fashilmeen, ayna nasiib darro tahay in Xasan Sheekh uu sheegto musharaxnimo iyo inuu dib u soo laabto.
Isagoo wareysi siiyay mid kamida idaacadaha Muqdisho ayuu Mudane Farmaajo shaki badan ka muujiyay in doorashada u dhici karto xiligii loogu talogalay, wuxuuna soo jeediyay in muddo kooban laga lagu daro haddii laga maarmi waayo.
Wuxuu weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh oo uu sheegay inuu waqtigiisa ku dhameystay is qabqabsi, isla markaana uu afkiisa ka qirtay inuu siyaasadda ku fashilmay.
DHAGEYSO CODKA FARMAAJO
Goobjooge.com