Wednesday, June 25, 2025

Faroole & Cabdi Qeybdiid oo ku tartamaya Guddoomiyaha Guddi muhiim ah [Warbixin]

Laba ka xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ku loolamaya xilka guddiga muhiimk ah  ee dib u eegista Dastuurka oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka.

Guddiga oo ka kooban 10 xubnood oo laba aqal ka mida aya lagu wadaa inuu dhowaan doorto guddoomiye, waxaana guddiga lagu riixayaa in xubin ka tirsan Aqalka sare ay guddoomiye ka noqon doonto.

Musharixiinta ku tartamaya xilka guddoomiyaha Guddiga ayaa kala ah:

1 – Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

2- C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

3- Maxamed Cabdillaahi Kaamil

Labada musharax ee ugu cadcad ayaa ah Cabdi Qeybdiid iyo C/rxamaan Faroole oo taageero ka kala heysta dhinacyo kala duwan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in C/raxmaan Faroole uu taageero ka heysto Madaxweynaha Puntland iyo madax ka tirsan dowladda Federaalka.

XUBNAHA GUDDIGA DIB U EEGISTA DASTUURKA WAXAY KALA YIHIIN:

  1. Sen. C/raxmaan Maxamed Maxamud (Faroole)
  2. Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid
  3. Sen. Xuseen Sheekh Maxamud
  4. Sen. Cabdikarim Maxamed Xasan
  5. Sen. Iftiin Xasan Imaan.
  6. Cismaan Xaaji Cali
  7. Maxamed Cabdillahi Kaamil
  8. C/Rashiid M.Xasan
  9. Burhaan Aadan Cumar
  10. Axmed Abdul Ruush

C/raxmaan Faroole ayaa wararku sheegayaan inay ka go’an tahay inuu xilkan ku guuleysto, taasoo haddii ay dhici weydo la filayo inuu isaga baxo Aqalka Sare.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON