Friday, July 11, 2025

Farriin Naxdin leh oo ka timid Dhalinyarada ku maqan Eritrea. (Dhageyso: Halaga soo gaaro inta hartay)

Xog kale oo dheeraad ah ayaa laga helay dhalinyarrada askarta ah ee ku maqan dalka Eritrea, iyadoo lasoo bandhigay xaalada ay ku nool yihiin iyo qaabkii lagu geeyay dalka Eritrea.

Wareysi lala yeeshay qaar ka mida dhalinyaradaasi ayey ku sheegeen inay ku nool yihiin nolol aad u adag oo kuwa Eeyaha la mida, qaarkood ay dhaawacmeen, qaar kale ay u dhinteen Gaajo iyo dacayaad, qaarna ay xanuunsadeen iyagoo aan helin wax daryeel ah, ayna qaarkood u indho beeleen.

“Xayaatu Kalabnimo ayaan ku nool nahay… Dad la adoonsado ayaan nahay.. Guryo ayaa nagula dhisaa, Beero ayaa nagula falaa.. tababarna waxaa noogu dabeeyay bishii 9-aad (2020). wixii ka dambeeyay waa nala adoonsadaa, waxaan kala aqoon weynay inaan Soomaali nahay iyo in kale…” ayuu yiri mid ka mida dhalinyarradaasi.

Waxay dhalinyaradaasi ku baaqeen in dadka Soomaaliyeed intii waxgarad ah inay kasoo gaaraan inta hadda nool ee ku jirta xeryaha Dalka Eritrea.

Nabad-doon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in 44 wiil oo isagu wakiil ka ahaa uu geeyay Xarunta NISA, arrintana uga timid maamuka Galmudug, loona sheegay in wiilasha la geynayo dalka Turkiga, loona tababarrayo ciidan.

HOOS KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA BANDHIGGA EE VOA-DA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON