Saturday, July 12, 2025

Fatahaad ka dhacday Magaalada Beledweyne & Webiga Shabeelle oo karkaarrada Jabsaday..

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in webiga Shabeelle uu karkaarrada jabsaday isagoo saaka ku fatahay xaafado ka mida magaalada Beledweyne.

Webiga oo saddexdii maalmooda lala tacaalayey sidii loo moosi lahaa, dadaal xoog lehna loogu tiray in loo dhigo carro-tuur, lana xiro hadba meeshii uu ka jabsado ayaa waxaa muuqata in la celin waayey biyaha badan ee uu siday, taasoo keentay inay xaafado badan biyuhu soo galaan.

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in roobab hor leh oo saacadihii ugu danbeeyay da’ay ay dhaliyeen fatahaad xoog leh, taasoo sababtay in magaalada biyo badan soo galaan oo wadooyinkiina ay biyo badan fariistaan.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Guddiga Gurmadka magaalada Beledweyne ayaa ku adkeysanayey inaan magaalada laga barakicin oo la xaliyey fatahaaddii Webiga, laakiin saaka waxaa ka muuqata magaalada inay xaalad adag ka jirto oo biyo daad xoog leh saameeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON